Amni Darrada Somalia Waxey Khatar Ku Tagay Howlaha Samafalka

Somalia news

Warbixino laga diyaariyay Amni darrida oo aad ugu soo korortay Dalka Somalia, ayaa waxay khatar weyn ku tahay howlaha Shaqaalaha iyo Howlaha samafalka ee ka socda gudaha dalka, sidaana waxaa sheegay mid ka mid ah Saraakiisha hay’adaha Qaramada Midoobay…

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in 255 dhacdo oo ka dhan ah Hey’adaha Samafalka oo la diiwaan galiyay sanadka 2020, dhacdooyinkaan ayaa sare u kacay 59% ah, iyadoo lagu dikay 15 shaqaale Howlaha gargaarka ku guda jiray, Waxaa warbixintaan daaha ka rogay Xafiiska UN-ka ee isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee UNOCHA ee Somalia.

Sidoo kale UNOCHA ayaa sheegtay iney sii wadi doonaan Howlaha samafalka ay ka wadaan gudaha dalka, islamarkaana ay caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed, “ Waxaan sii wadi doonaa howlaha samafalka ee aan ka wadno soomaaliya, si aan u caawino shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri Warbixinta.

94660cookie-checkAmni Darrada Somalia Waxey Khatar Ku Tagay Howlaha Samafalka