Gantaalada Xuutiyiinta ee Habawga ah Oo Khatar ku Nolosha Gobolada Ku Teedsan Xeebaha Dalka..

Somalia news World

Warbixintii u horreysay ee laga helo gantaal habawg ah ee ku soo dhacay meel aan ka fogeyn Degmada taariikhiga ah ee Taleex ayaa muujineysa inuu ahaa gantaal nooca cruise-ka ee loo yaqaan Quds land-attack cruise missile (LACM) oo ay adeegsadaan kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran…

Dhacdadaan oo la soo wariyay saacadihii hore ee shalay ayaa muuqaallo iyo sawirro laga soo bandhigay goobta waxaa lagu arkayay burburka qalabka qaraxa sameeyay oo goobta ku dhacay oo Dadka iyo Duunyada Degaanka ay sheegeen inay maqleen dhawaqiisa markii goobta la tagayna ula muuqday diyaarad nooca aan duuliyahan lahayn ah.

Kooxda Xuutiyiinta waxay mar kale xaqiijiyeen in gantaalkaan la kordhin karo masaafadiisa 1,000 KM ee uu gaari karo adeegsadeen wixii ka dambeeyay dabayaaqadii sanadkii hore oo ay billaabeen weerarrada ay ku qaadayaan Israa’iil iyo maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh iyo Dekeda Haifa ee Israel ee Badda Cas, iyadoo helista uu xambaarsan yahay Gantaalada Kooxda Xuutiyiinta uu khatar ku yahay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku degaanada Xeebaha inkastoo uu Gantaalkani soo kor maray hadana waa helis taagan oo u baahan in laga gaashanto.

Ma jirto hadda warbixin rasmi oo laga soo saaray wax baaritaan amni ah oo Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada uu ku soo dhacay ay sameeyeen Gantaalka cruise-ka  ee soo galay hawada Somalia, kaaso lagu arkay Degaankaasi xilli xalay kooxda Xuutiyiinta ay weerarro ku qaadeen Maraakiibta Mareykanka ee ku sugan badda cas, Waxaana marqaati ma doonto ah in xadgudubkaan uu khatar ku yahay Dadka & Duunyada Dowlada Federaalkana aysan awoodin iney ka gaashaamato Gantaaladaan Habowga ah.

324950cookie-checkGantaalada Xuutiyiinta ee Habawga ah Oo Khatar ku Nolosha Gobolada Ku Teedsan Xeebaha Dalka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *