Share the post "Arrimaha Caafimaadka:- Howlaha Jirka Bini-aadamka Qabto inta uu Hurdo Habeenkii.."
Cilmi-Baarayaasha Arrimaha Caafimaadka ayaa Warbixin ka soo saaray Celcelis ahaan marka la xisaabiyo cimriga uu Dadku u badan yahay inuu noolaado iyo tirada sanadaha ka soo baxaya isu geynta saacadaha uu qofku dabiici ahaan seexdo, waxaa soo baxaysa in qofku marka cimrigiisa saddex meelood loo qaybiyo uu qayb ahaan ku qaato hurdo, Waxaana yaab leh in marka riyada uu arko laga tago in aanu qofku wax badan ka aqoonin shaqooyinka tirada badan ee jirkiisu uu maro inta uu hurdo…
Marka uu qofku habeenkii Sariirta dhinaciisa dhigo ilaa inta uu hurdadaasi ka soo toosayo, waxaa jirkiisa qabtaa shaqooyin fara badan. Habeenka uu qofku si dabiici ah u seexdo iyada oo ay xaaladdiisa jireed iyo tan nafsiga ahiba fiican yihiin, waxa ay hurdadiisu u qaybsamaysaa ilaa dhowr qaybood oo kala duwan, mid kastana waqtigeedu uu 90 daqiiqo yahay sida ay sheegeen Xeel dheerayaasha Arrimaha Caafimaadka.
– Inkastoo qofka hurda marka jirkiisa la eego ay xubnihiisa iyo muruqyadiisa oo dhan ka muuqdaan dabacsanaan iyo kala daadsanaan badani, haddana waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in qofku inta uu hurdo habeenkii uu ugu yaraan 35 jeer dhaq-qaaq sameeyo, taasoo ka ilaalisa in muruqyadu ay daalaan oo ay ku keento iney si fiican u shaqayn waayaan.
– Marxaladaha kala duwan ee hurdada midiba tan ay ka dambayso ayaa ay ka sii qoto dheertay, markasta oo uu qofku galo marxalad ka sii qoto dheer tii horena waxa ay indhuhu sameeyaa xarakaad degdeg ah, waxaana ay inta badan tilmaam u tahay in uu qofku galay marxaladdii riyada.
– Inta uu qofku hurdo afku si aad ah ayaa uu u firfircoon yahay, dhareerka afka ku samaysmaa hoos ayaa uu u dhacaa, taasina waxa ay sababtaa in qofku uu subaxda hore dareemo waxoogaa ingag / qallayl ah.
– Inta uu qofku hurdu garaaca wadnuhu waxa uu hoos u dhacaa 15 daqiiqaddiiba, taasoo suurto gelinaysa inuu qofku raaxo iyo nasasho dareemo.
– Waxaa hoos u dhaca heer kulka Oogada, sidoo kale waxaa yaraada heerka hormoonnada sida caadiga ah sababa daalka iyo hurdo la’aanta sida hormoonka loo yaqaanno Adrenalin, taasoo sababta in uu qofku xilliga hurdada isku arko waxoogaa dhidid ah, jidhka ayaa u dagaalamaya in uu hoos u dhigo heer-kulkiisa waana taas sababta dhididku. Habeenkii oo dhan sidaas ayaa uu si tallaabo tallaabo ah hoos ugu socdaa heer kulka jidhku, shanta subaxnimo marka ay saacaddu tahay waxa ay u badan tahay in heer kulka jidhka qofka hurda ee caafimaadka qabaa uu boqolkiiba 1 keliya ka yahay heer kulkii uu ahaa markii uu qofku seexanayey bilowg.
– Inta uu qofku hurdo waxaa bata unugyada Oogada ee ka shaqeeya wanaajinta iyo qurxinta maqaarka, waxa aanay ka daweeyaan dhibtii soo gaadhay maalinnimada oo ay ka mid tahay dhibta caafimaad ee maqaarka ka soo gaara fallaaraha qorraxda.
– Hurdo ku filan oo uu qofku seexdo waxa uu ka dheefaa in suntu ay jidhka ka baxdo, in caafimaadkiisa jireed iyo kan nafsiga ahiba wanaagsanaadaan iyo in maskaxdu ah hesho nasasho ay hawl-maalmeedkeeda dambe si karti iyo daal la’aan ah u qaban karto.
khubarada caafimaadkuna waxey sheegaan in saacadaha ugu fiican ee qofku haddii uu seexdo uu ku heli karo faa’idadaasi ay tahay ugu yaraan lix saac oo habeenkii ah, iyadoo Hawlahan aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo dhamaantood faa’ido caafimaad oo aan la soo koobi karayn jirka u leh ayaa hurada aynu ka dheefnaa