Arrimaha Caafimaadka:-Maxaa Keena Hurdo La’aanta Habeenkii & Sababta…

Health

Inta badan Dadka waxay hurdada ka soo toosaan hal ama labo jeer habeenkii, iyadoo marka aad dhowr jeer soo toostid habeenkii, islamaarkaana ay kugu adag tahay inaad durbadiiba ku laabato hurdada, waxay keeni kartaa inaad heli weydo hurdo Caafimaad leh oo ku siisa fircooni iyo awood…

Khubarada Caafimaadka ayaa tilmaamay in sababaha keena arrintaan ay ka mid yihiin cabista Coffee-ka galabtii, dufan iyo Saliid badan oo aad cuntid, cillado hurdo iyo sababo kale oo caafimaad, Qofka Xaafinaad ahaan waxaa u roob inuu 24-kii saac ka seexdo/Nasto 7-8-Saac oo xiriir ah, hurdada waxey aasaas u tahay Caafimaadka jirka iyo maskaxda.

Hurdo la’aanta:- Hurdo la’aanta waa xaalad caafimaad oo aan caadi ahayn taasoo lagu garto inay qofku ku adkaato inuu seexo ama uu soo jeedo saacdo badan, dadka qaba xalaadaan waxaa lagu gartaa calaamado ay ka mid yihiin:-

  • Iney adag tahay qofka inuu hurdo
  • Inuu soo tooso marar badan habeenki ama inay adag tahay inuu ku laabto hurdada.

Neef ku dhegga hurdada:

Neef ku dhagga hurdada ama waxa loo yaqaano “Sleep apnea” waa cillad ku badan bulshada, qofka markuu hurdo ayaa waxaa ku dhiba neefsashada, aad ayuu u khuurinayaa, hawo fiican jirkiisa ma helayo taasoo qofka soo toosisa habeenadii marar badan, haddii ay jirto cillad la xiriirta hawo mareenka ama dhuunta oo daboolanto ama xannibanto xilliga hurdada taasoo loo yaqaanno “Obstructive sleep apnea” waa cudur ku badan dadka buurbuuran ama sigaarka caba, ama khuuriya.

Dheefshiid xumada:

Dheefshiid xumadu waxay ku soo kicin kartaa habeenka dhexdiisa, khaasattan hadii aad ku cashayso cunno culus. Ha cunis raashin culus marka aad seexan rabto, ku cashee cunno fudud.

Welwel Badan:- Wuxuu dili karaa hurdadaada, haddii uu ku hayo walwal, isku dey inaad jimicsi samayso galabtii ama fiidka hore si aad u daaliso naftaada. Daawada ugu fiican ee hurdo la’aantu waa in qofku jir ahaan uu daalo.

Heerkulka:

Qol aad u kulul ama aad u qabow oo aad seexato waxay ka hor istaagaysaa inaad hesho hurdo tayo leh habeenkii.

Qofka kula hurda:-

Haddii Qofka kula hurda uu khuuro badan yahay ama uu marar badan uu soo kaco oo uu nalka kugu shido waxay saameyn ku yeelan kartaa hurdadaada.

Isticmaalka Mobile-ka Hurdada ka hor:

Iftiinka buluugga ah ee moobilka waxa uu sababaa inuu Khalkhal geliyo nidaamka hurdada, iftiinkaasi wuxuu ka hor istaagaa jirka inuu soo daayo hormoonka ku shaqada leh hurdada ee loo yaqaanno “melatonin”.

275540cookie-checkArrimaha Caafimaadka:-Maxaa Keena Hurdo La’aanta Habeenkii & Sababta…