Maxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Gacan Ka Hadalka Gaaray Ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Horgalada Muhaajiriinta Kooxda Shababka iyo Horjooge ka tirsan Kooxdaan, kadib markii la weeraray Guri uu ku sugnaa Horgalka ugu sareeya Ajaaniibta kaasoo ku yaal magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Dhinacyadaan…

Ilo Wareedkaan ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Horjooge Mahad Qaley (Karatee), ayaa weeraray guri uu ku sugnaa Horgale Jaabiir oo ku yaala Suuqa Kaluunka ee Degmada Jilib, Horgalkaan ayaa ka soo jeeda Dalka Kenya, iyadoo is-rasaaseyntaani ay ku dhinteen 5-ka mid ah Maleeshiyaadka Shababka waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 8-kale oo uu ku jiro Horgale Jaabiir.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney ka bilaabatay kadib markii Unug ka tirsan kuwa Ajaaniibta ay ka soo qafaaleen degaanka Kamsuuma Horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ku beel ah Mahad Qaley isla markaasna madax ka ahaa Isbaarada Buundada waxaana la sheegay inuu socdo dadaalo xiisadaan lagu qaboojinaayo.

Khilaafkasn ayaa ku soo beegmay xilli inta degaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyay inta dhimana lagu wado dhawaan in la bilaabo doono xoreynta wajiga 2-aad ee degaanada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan aida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalka.

249740cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Gacan Ka Hadalka Gaaray Ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda