Askari Ka Baxsaday Ciidamada Dowladda Oo Shabaabka Ku Biiray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Guutada 9-aad ee Ururka 144-aad, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa isku dhibay Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, sida ay sheegeen ilo xogogal ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Askarigaan magaciisa lagu sheegay Mustaf Macallin Xasan, ayaa ka baxsaday goobtiisa shaqo Ee Degmada Xuddur, isagoo ku Hubeysan Qori Ak-47 iyo 4-khasnadood, wuxuu gaaray tuulada Garas-weyne oo ay Maamulaan Maleeshiyaadka Shababka.

Waxaana ku soo dhoweeyay Tuulada Horjooge Cabdulahi Humow oo ah madaxa kooxda Shababka Ee tuulada, ilaa hadda lama yaqaano Sababta ku riixday baxsashada Askarigaan iyo halka ay geeyeen Horjoogayaasha Kooxda Shababka.

123400cookie-checkAskari Ka Baxsaday Ciidamada Dowladda Oo Shabaabka Ku Biiray