Boobka Danta Guud, Baada Canshuuraha Qoriga Lagu Qaado & Khilaafka Dhulalka oo Ku soo Badanaaya Mogadishu..

Somalia news

Boqolkii Maalmood ee ugu dambeeya Shacbiga Soomaaliyeed waxey ugu weyn ee ka doodaayeen boobka baahsan ee ku socda Dhulalkii danta guud ee ku yaalay magaalada Mogadishu, Nidaamka Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyaa inuu sifo sharci darro ah ku bixinaayo Dhulalka Danta guud, meelaha ay qeylada ka soo yeertay waxaa ka mid ah Dhulka uu ku fadhiyo Suuqa Arjantiin ee Degmada Kaaraan, MCH Degmada Hodan, Suuqii Degmada Xamar weyne iyo dhulalkii Ka soo horjeeday, dhulkii ku dhawaa Shenemo Super & Dhulka Xerada Xalane….

Ku darsoo Todobaadyadii ugu dambeeyay Waxaa Shacbiga Degmooyinka Magaalada Mogdishu la kulmaayeen Askar Raxan-raxan u socota oo hubeysan una kireysan Shirkad la sheegay iney saamiyo ku leeyihiin Afada Madaxweynaha iyo Duqa Magaalada (Borsani) kuwaasoo Shacbi badan afduubtey kuna xiray Xabsiyada Saldhigyada Boliiska si lacago baad ah looga qaado oo aan ku dhaxeynin Qasnada Dowladda.

Dhaqankaan Qoriga Caaradiisa Baada lagu qaadaayo waxey soo socotay 14-kii Sano ee u dambeysa, iyadoo aysan muuqan wax loogu qabtay Shacbiga Baada laga qaado aan ka aheyn iney ku dhacdo Akoonada Qosyka Madaxweynaha iyo Duqa magaalada Migadishu, ku darsoo Waxaa iib ay Madaxtooyada gelisay dhamaan Dhulalkii (Xeryihii) (military zones) ee Wadada Warshadaha ee Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska (Dhulkii Dugsiga Boliiska (Xeradii Daraawiishta Cagadhiig, dhulkii Hogaanka Dhismaha, Qeybtii Debdemiska iyo Laanta Socotada), Asluubta (Xaruntii Ciidanka ee Ex Kontrol) iyo NISA (Dhulkii ku dhawaa Stadio Mogadishu).

Muranka kale ee ka dhalan kara hantida iyo dhulalka ee laga yaabo in ay ku xad gudbaan Maxkamadaha Madaniga ah & Maamulka ee Muqdisho waxaa ka mid ah kuwa reer miyiga ah (goofaf) oo Milkiilayaashooda la siiyay ogolaanshaha qorsheynta iney awood u yeeshaan iney ka iibiyaan boosaska dhulalka iibsada kuwaasoo ay ku adagtahay iney ku qanciyaan Milkiilayaashii hore in ay baneeyaan boosaska dhul ay iibiyeen.

328320cookie-checkBoobka Danta Guud, Baada Canshuuraha Qoriga Lagu Qaado & Khilaafka Dhulalka oo Ku soo Badanaaya Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *