Maxey yihiin Caqabadaha Hortaagan Howlgalada & Dhismaha Ciidamada Dowlada Federaalka

Somalia news

Inkastoo Ciidamada Dowladda Federaalka lagu tilmaamo kuwo Ashaamud ah, isla markaasna ay qaarkood xiriir toos la leeyihiin Dalalka Turkiga (Gorgor iyo Haramcad) iyo USA (Danab), haddana 3-daan qeybood ay tababar & ka tayo wanaagsan yihiin Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka, haddan uma babac dhigi karaan Kooxda Argagixisada Shababka…

Khubarada Ciidamada ayaa isku waafaqsan in Dagaalkii ka dhacay Degaanka Galcad looga dilay Ciidamada Danab iyo Gorgor 100-Askari, ayna raad ku reebtay wada shaqeytan Ciidamadaan iyo Kuwa Turkiga iyo Mareykanka bacdamaa ay fidin waayeen gurmad deg deg kadib markii ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen Makeeahiyaadka kooxda argagixisada, isla markaasna USA & Turgiga aysan u fidin Gurmad diyaaradaha Qumaatiga u kac iyo kuwa Drones-ka.

Bancroft Gobol Development

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay Washington ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeda USA Qandaraas ku siisay sidii ay Tababarka iyo Saadka ugu taageeri laheyd Ciidamada Danab iyo sidoo kale Ciidamada ATMIS, waxeyna inta badan ka qeyb qaataan dagaalada iyagoo talo iyo tusaaleyn ku taageera labada Ciidan (Atmis iyo Danab) hadana waxey kala kulmaan dagaalada Kooxda Shababka guuldarooyin.

Dadka dhaliila dagaalada hadda hakadka ku jira Howlgalada xiligaan ayaa farta ku goday Cunaqabateynta Hubka ay sabab yihiin dhimashada badan iyo Gadiidka laga furto Ciidamada Dowladda, waxeyna waxyeelo xoogan u geysan karaan mustaqbalka dhow iyo midka fogba dhismaha Ciidamada Dowladda Federaalka oo loo qorsheeyay iney sanadka soo socda kala wareegaan hubka culus iyo howlagada Ciidamada ATMIS.

Howlgaladaan Ciidamada Dowladda Guulo ka gaareen isla markaasna ay xoreeyeen Degaano badan, kuwaasoo taageerada Cirka ee USA ay fududeysay, waxaana hadda la filayaa dhawaan iney Dalka soo gaaraan Ciidamo ka baxsan kuwa Atmis kana socda Dalalka Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, kuwaasoo loo qorsheeyay iney Ka taageeraan Madaafiicda Goibta iyo Taangiyada si looga xoreeyo Kooxda Shababka degaanada ay weli heystaan.

244700cookie-checkMaxey yihiin Caqabadaha Hortaagan Howlgalada & Dhismaha Ciidamada Dowlada Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com