AU-da oo Qiimaynaya Codsiga Dowlada Feseraalka ee ku Aadan in dib loo dhigo Bixitaanka ATMIS..

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe Ururka Midowga Afrika uu darsaayo codsi uga yimid dowladda Federaalka, kaasoo ah in dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia ee Ciidamada ATMIS kaasoo qorshu ahaa in dhamaadka sanaadka ka baxaan Dalka…

Howlwadeen ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sanadkan ay Dowlada Somalia ka codsatay golaha Nabada iyo Amaanka ee ururka (PSC) in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo muddada kala bar bixitaanka ciidamada ATMIS, Dowlada Federaalka waxa ay dooneysaa in 2,000 oo askari oo kaliya ay baxaan bisha June, halka 2,000 oo kalena ay ka baxaan bisha September.

Maamulka Villa Somalia ayaa soo bandhigay baahida loo qabo in la qaado howlgal duulaan ah Waqti xaadirkan, 13,500 oo askari oo ATMIS ah ayaa ku sugan Somalia, inkastoo AU-da ayaa la filayaa iney jawaab celin ka bixiyaan Codsiga cusub er Dowlada Federaalka laba daraadle, Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in Ciidamada ATMIS laga dhigo eber ugu dambeyn 31-ka December iyadoo loo marayo marxalado kala duwan oo dalka laga saarayo, iyadoo amniga lagu wareejinayo Ciidamada iyo Boliiska Somalia.

332670cookie-checkAU-da oo Qiimaynaya Codsiga Dowlada Feseraalka ee ku Aadan in dib loo dhigo Bixitaanka ATMIS..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *