Xeebaha Somalia oo Xayiradii Maraakiibta Laga saaray Liiska Helista Burcadda

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Shirkadaha Ganacsiga Gadiidka Badda ay isku raaceen in xeebaha Somalia laga saaro liiska badaha qatarta badan ee Aduunka, kadib sanado badan sanado badan oo howlgalo amni ee la dagaalanka Burcadda Badda…

Warbixin ay soo saartay Rugta Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in ifafaalahaan nabdoon iyo go’aankaan la qaatay ee xeebaha Somalia ay dhaqan geli doonto horaanta Bisha Jenaayo ee Sanadka soo socda, iyadoo la xaqiijiyay in xeebaha Somalia aysan ka dhicin ilaa sanadkii 2018-kii wax weerar ah oo ay geysteen Kooxaha Burcad badeedka.

Talaabadaan ayaa ka dhigan in la ciribtiray kooxihii kala duwanaa ee Falalka geysan jiray, muddo sanado ah ayaa Badmaaxiin hubeysan & Maraakiibta dagaalka ee NATO, ayaa howlgal ka waday Xeebaha Somalia, iyagoo xitaa qaarkood lagu eedeeyay iney Maraakiib Kaluumeysi ee Dalalkooda oo waday xaalufin Kheyraadka Badda mudadaadi dheer.

Halista Badaha iyo xeebaha ka jirta, ayaa inta badan saameyn ku yeelata dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Caalamka maadama uu sare u kac xoogan ku keenay Ceymiska Maraakiibta laga qaado, sidoo kale Horjoogayaashii & Beelihii Soomaaliyeed ee dhiiri gelin jiray ayaa u weeciyay ama ku mashquuleen iney qaarkood u xuub siibtaan Siyaasiyiin iyo Hogamiyayaal siyaasadeed, halka kuwo kale ay u wareegeen ka ganacsiga Hubka sharci darrada ah.

209440cookie-checkXeebaha Somalia oo Xayiradii Maraakiibta Laga saaray Liiska Helista Burcadda