Ma Dhabaa In Qadar Ay Dhexdhexaadin Ka Dhex Wado Dowladda & Shababka

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibeda iyo sirdoonka Qadar ay in muddo ah xiriir toos ah la lahaayeen Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta Somalia ka howlgala, waxeyna xiligaan dhexdhexaadin ka dhex wadaan labada dhinac..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay, in dhowaan markii uu Caasimadda Mogadishu uu soo gaaray Ergeygii Arrimaha argagixisada ee Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Qadar (Mutlaq bin Majid), ayaa ka sheegay in (6-may) uu Kulan Qarsoodi ah kula yeeshay Xarunta NISA Horjooje ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, Horjoogahaan ayaa lagu sheegay magaciisa Xuseen Cali Fiidow, kaasoo xarunta ay geeyeen ilaalada Adeege Fahad Yasin.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Ergeyga uu sidoo kale xarunta NISA kula kulmay Wadaadada Xabsi guriga Dowladda ugu jira Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow Cali, Kulankaasi ayaa la sheegay iney fududeeyeen Fahad Yasin iyo Shaqsi magaciisa lagu sheegay Cali yare oo ka tirsan Adeegayaasha Farmaajo, waxaana looga dooday sidii magangeliyo looga siin lahaa Dalka Qadar.

121570cookie-checkMa Dhabaa In Qadar Ay Dhexdhexaadin Ka Dhex Wado Dowladda & Shababka