Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysay in tuulooyinka ku teedsan Xeebta ee Degaanada Kulub iyo Dhinowda oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Somalia, ayaa waxaa dhibaato ku haya dhul bacaad oo guriyihii baabi’inaya, taasoo ku qasabtay tiro badan oo Qoysas ah inay ka qaxaan guryahooda iyo noloshooda…
Wararka ayaa sheegaya in Dadkaan dhibaatada ku habsatay oo ku tiirsan Kalluumeysiga iyo Beeraha, ayaa si tartiib tartiib ah u aastay ciiddaan gur-guureysa si aan kala joogsi lahayn, Dhibaatadu waxay khatar weyn ku noqotay dadka Degaanada Kulub iyo Dhinowda oo keliya laakiin sidoo kale waxay khatar ku tahay Degaanda ku xeeran Gobolka Mudug, iyadoo welwel laga muujiyay xowliga uu bacaadka ku socdo, kaasoo khatar ku ah inuu tirtiro taariikhda degaanadaasi, dhaqanka, iyo hab-nololeedkii qarniyaal ee qaybtan Somalia ka mid ah oo awalba u nugulaa abaaraha, Colaadaha iyo Isbedelka Cimilada.
Saamaynta Dhaqaale ee Bulshooyinka Deegaanka
Walaaca 1-aad ee Dadka Degaanada Kulub iyo Dhinowda ayaa ah saamaynta raadka xun ee dhaqaale Dadka deegaanka ku reebtay bacaadkaan, ku darsoo Jiilal adag iyo isbedelka Cimilada ayaa uga sii dartay xaalada adag, iyadoo Dadka degasnka ay sheegeen iney ku tiirsan yihiin tacbashads Beeraha iyo Kalluumeysiga oo ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, Si kastaba ha ahaatee, iyadoo dunidu ay si tartiib tartiib ah ugu soo xadgudubtay dhulka, kheyraadkaas muhiimka ah waa la waayay.
Xaalufinta Dhirta iyo Nabaadguurka
Marka laga soo tago dhibaatada bini’aadmiga, guur-guurka ciidda ayaa gobolka ku keenaysa nabaad-guur baaxad leh, Dhaqdhaqaaqa Ciidaan waxay khalkhal gelisaa hab-nololeedyada Dadka Degaanka, taasoo khatar ku ah nolosha dhirta iyo xayawaanka labadaba, Dhirta oo mar ahaan jirtay gabaad muhiim u ah duurjoogta, ayaa duugay bacaadka guur-guurya, taasoo ka dhigtay in Gobolka uu ka maran noolaha oo mar soo ifbaxay.
Bulshada Degaanka ayaa wada talaabooyin lagula dagaalamayo guur-guurka ciidda. Dadaal wadareed kadib, waxay abaabuleen hindise dhir beeris ah, waxayna dhiseen darbiyo ka sameysan cooshado, iyagoo isticmaalaya agabka la heli karo sida timirta iyo alwaaxyada. Si kastaba ha ahaatee, dadaalladan ay wadaan bulshadu hadana kuma filna, inkastoo ay mudan yihiin in lagu amaano, hadana kuma filna in la hakiyo socodka aan joogsiga lahayn ee ciidda.
Dowlada Federaalka & Hey’adaha Gargaarka caalamiga ah taageeradooda ayaa muhiim u ah wax ka qabashada culeyska balaaran ee Degaanka xiligaan food saarayaan, Waxa kale oo jirta baahi degdeg ah oo loo qabo qorshaynta muddada-dheer, sida maalgelinta farsamooyinka beeraha ee waara iyo kaabayaasha si kor loogu qaado adkeysiga bulshooyinkan ee ka dhanka ah jahawareerka Degaanka mustaqbalka.