Howlgal lagu Dilay In ka badan 60-Maleeshiyo oo ka Dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay saacadahii lasoo dhaafay Tuulada Helo Bacaad oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaare..

Wararka ayaa sheegay in Howlgalkaan ay iska kaashadeen Houwanta ayeey ku dileen in ka badan 60-Maleeshiyo oo ka mid ah kooxda argagixisada Shababka oo ku sugnaa Tuulada Hela Bacaad oo u dhaxeysa degaanka Halgan iyo Degmada Baledweyne, Deegaankaan uu ka dhacay howlgalkaan ayaa ka mid ahaa degaanada sanadkii hore laga xureeyay kooxda.

Howlkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Ciidamada Dowlada iyo Degaanka ay isku diyaarinayaan sidii ay uga sifeyn lahaayeen degaanada kale ee kooxda Argagixisada ku sugan yihiin, iyadoo haatan Degaanadaasi qaarkood ay saameeyeen Fatahaada iyo Daadadka.

290770cookie-checkHowlgal lagu Dilay In ka badan 60-Maleeshiyo oo ka Dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan..