Ma Dhabaa in Kooxda Argagixisada ay Wadaan Dib u Habeyn ku Sameeyaa Istraateejiyada Howlgaladooda iyo Magac Bedelid..

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka roogaaya in Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka oo u muuqda iney ka badbaadeen duulaanka dul duleelada badan ee Ciidamada Dowlada Federaalka ee Wajiga 1-aad, waxaana la sheegayaa iney qorsheysteen iney dib u habeyn ku sameeyaan Istraateejiyada Howlgaadooda Sanadka cusib 2024-ta..

Xogahaan ayas sheegaya in kadib markii ay Kooxdani muujiyeen iney farsamooyin isku dhaf ah (Dagaalo Jufooyinka dhexdooda & kuwo kale) ay ku hakiyaan iska caabinta Wajiga 1-aad ee Duulanka Ciidamada Dowkadda (SNA) ayeey bilaabeen hirgelinta weeraro ka fuliyaan guud ahaan Gobolada Konfurta iyo kuwa dhexe, xiligaan kooxda argagixisadu waxa ay qorsheyneysaa iney  magaca bedelato oo la baxdo “Talibanka Somalia”, kadib markii ay Adeegsiga Magacaasi ay Xasuuq iyo Dhac ku geysteen, iyadoo Kulamo wada tashi ah oo yeesheen Horgalada Hoggaanka kooxda oo qaab dhismeedkiisa sidiisii hore tahay & shir inta badan ay u qorsheeyaan iney kordhiyaan rabshadaha inta lagu jiro xilliga kala guurka Maamulkooda.

Dhaqaalaha Isbaarada ee Somalia: Daraasad cusub oo cusub ayaa daaha ka qaaday sida kooxda Argagixisada Shabaabka iyo jilayaasha qarsoon ee xiriirka dhow la leh Dowlada Federaalka ay dejiyeen qorshe cusub oo lagu badbaadinaayo ugaarsiga lagu hayo hantida laga macaashay Baada, iyadoo la isla meel dhigay in Farsamooyin iyo Ganacsato cusub oo dib iyo gudaha Dalkaku sugan lagu aamino Dhaqaalahaan si loogabaaqsado in la xayiro ama la la wareego.

285470cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Argagixisada ay Wadaan Dib u Habeyn ku Sameeyaa Istraateejiyada Howlgaladooda iyo Magac Bedelid..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com