Share the post "Badda Degmada Seylac oo Baddu ku soo Fataheen & Khasaare ka Dhashay.."
Wararka naga soo gaaraya Degmada Seylac er Gobolka Awodal ayaa sheegaya in ku dhawaad 100-Qoys ay ka barakaceen Guryahooda oo ku yaalla hareeraha Xeebta Dagmada Saylac,kadib markii ay ku fataheen biyaha Badda billowgii bishan, taasoo sababtay cunno-xumo iyo hoy la’aan…
Wararka ayaa sheegaya in Dadka Masiibadu ku habsatay ayaa waxaa ka mid Hooyo lagu magacaabo Canab Faarax Saleebaan iyo carruurteeda oo 9 ah, Biyaha Badda ayaa burburiyay gurigooda 2-Qol ka koobnaa oo bannaanyaal ka dhigay, Waxay dantu bidday in ay dulsaar ku noqdaan qoys ay ehello yihiin oo qayb ka mid ah Dadka gurigooda ay jiiftaan.
Qoyakaan ayaa hal mar oo ka mid ah maalintii raashin ay karsadaan, iyagoo degan meel ka durugsan xeebta ayna maciin-bideen, markii ay la soo baxsadeen naftooda si aysan u saameen biyaha harqiyay hoygoodii, sanadkii horna dabeylo xoogan ayaa dhibaato xoogan u geystay Dadka ku nool xeebaha Degmada Seylac.
Badda ku fathaday Degmada Saylac waxay saameyn taban ku yeelatay inta badan magaalada, gaar ahaan dhulka jooggiisu hooseeyo, isla markaana u dhow xeebta. Waxaa ku yaalla xarumo dowladeed iyo iskuulkii sare ee dagmada oo biyaha galay awgood u xirmay.