Ma Dhabaa in Qaadka Miraaga Kenya Dib loogu Fasaxay Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda Federaalka ay dib u fasaxday keenista iyo ka gancsiga Qaadka Miirowga Kenya, kaasoo muddo labo sano aan ka soo degin garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, kadib markii la mamnuucay billowgii 2020….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur uu heshiis la galay Ganacsade Kenyan ah oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha ururka ganacsatada Miraa, iyagoo ku shirkoobay dhaqaalaha ka soo xarooda.

Waxaana la sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu bixiyay ruqsadda, Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur iyo ninka Kenyaatiga ah ayaa la sheegay iney aasaaseen Shirkad cusub oo lagu magacaabo SomKen, si ay Qaadka u keento Caasimada iyo Gobolada kale.

Labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaa dalka la keenayay Qaadka Ethiopia, oo uu ka macaashay Xasan Farmaajo oo walaalkiisa xiligii uu xukunka haystay u xiray ishan dhaqaale, oo malaayiin dollar ka sameeyay.

Malain walba waxaa imaan jiray Muqdisho illaa 18 diyaaradood, iyadoo la keenayay Qaad qiimihiisu gaarayo $400,000 maalintii, oo Kaash ahaan loogu qaadayay dalka Kenya.

191570cookie-checkMa Dhabaa in Qaadka Miraaga Kenya Dib loogu Fasaxay Somalia