Koox Dabley Ah Oo Weerar Ka Fulisay Gudaha Magaalada Dhuusa mareeb

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya koox hubeysan oo weerar ka fulisay gudaha Magaalada Dhuusa mareeb, weerarkaan ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, Kooxdaan ayaa rasaas la beegsatay dad rayid ah oo ku sugnaa Bartamaha Magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in 3-Qof ay ku geeeiyoodeen, halka laba kale uu doo gaaray dhaawac, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxdii hubeysneyd oo xirneyd Dharka Ciidamada Dowladda Ee weerarka fulisay, dad badan ayaa su’aal o ka keenay falkaan Magaalada ku cusub, iyadoo Dowladda Federaalka iyo tan Galmudug ay Ciidamo badan oo kuwa amaanka ka joogaan gudaha Magaalada Dhuusa mareeb.

Xoogaga Amaanka Magaalada Dhuusa mareeb ayaa goobta tagay iyagoo bilaabay iney baaris la xiriirta, falkaan lagu Marxuumiinta kala ah Cumar Nuur Colow (Ganacsade) iyo Liibaan Cumar oo ka mid ahaa Dhalinyarada Magaalada Dhuusa mareeb, halka Marxuumka 3-aad aan weli la helin magaciisa, Dadka dhaawacyada qaba ayaa loo qaada Isbitaalada Magaalada.

124110cookie-checkKoox Dabley Ah Oo Weerar Ka Fulisay Gudaha Magaalada Dhuusa mareeb