Bandhiga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dadka Soomaaliyeed oo Lagu soo Bandhigay Nairobi..

Somalia news

Waxaa laga daah furay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Bandhig Dhaqanka, Sugaanta, Fanka iyo Taariikhda Agabka dhaqanka Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay magaalada Nairobi kaasoo lagu wado inuu socdo muddo bil ah, Bandhigaan ayaa waxaa soo abaabushay Safaarada Soomaalida & Madxafka Kenya…

Wararka ayaa sheegaya in Sawirada lagu soo bandhigay Goobtaan ayaa waxaa iska lahaa Hey’adda Golol Gallery, waxaana daah furkeeda ka soo qeyb galay tiro Diblomaasiyiinta Caalamka u fadhida Dalka Kenya, Mas’uuliyiin ka socota Dowlada Federaalka & Kenya, iyadoo ujeedada laga leeyahay uu yahay sidii soo bandhigi lahaa Dhaqanka iyo Taariikhda Dadka Soomaaliyeed.

Badhigaan ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo bil ah, waxaana la filayaa iney u soo daawasho tagaan Dad kor u dhaafaya nus Malyuun Qof, iyadoo qabashada Bandhigaan uu ka mid yahay Xafladaha lagu weyneynaayo Todobaadka Xoriyada oo Dalka gudohiisq iyo dibadiisaba laga xusaayo Maalmaha xoriyada 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee Somalia.

333920cookie-checkBandhiga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dadka Soomaaliyeed oo Lagu soo Bandhigay Nairobi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *