Warbixintii Ugu Dambeysay ee Muranka Hawada ee SCAA & Laanta Hawada Waqooyiga Dalka…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa silsilada Muranka Hawada ee u dhaxeeya Hey’adda SCAA iyo Laanta Hawada Waqooyiga Dalka, iyadoo Xarig jiidkaan uu muddo soo socday isla markaasna lagu khalkhal geliyay ilaa 3-4 Diyaaradood oo kuwa Rakaabka ah oo dul maraayay Hawada Somalia..

Xogtaan ayaa  xaqiijisay in Maamulka Laanta Hawada ee Hargeysa xiligii Maamulka Farmaajo la geeyay Radio Keyd ah hadii Hawada Mogadishu ay xumaado la howlgeliyo, iyadoo Radio-haasi (VHF) looguma talo gelin in la isticmaalo wuxuu ahaa in markii xaalad deg-deg ah timaado la shido, Shaqaalaha oo Mushaaraadkooda iyo Tababarkooda Mogadishu laga maamulo ayaa Maamulka Muuse biixi ku amreen in la howlgeliyo Radio- haasi, waxay ku carqaladeeyeen tiro Diyaarado ah oo markaas Hawada maraayay.

Xiligaasi, wixii ka dambeeyay Diyaaradaha caalamiga ah, waxay qaateen amarkii DFS iyo Kanalladii la siiyay, waxayna joojiyeen iney dhagaystaan Radiyaha (VHF) Hargaysa kala hadla, Dhanka kale Maamulka Waqooyiga Dalka ma joojin carqaladaynta Hawada, waxayna Qalab (Hacker) ka heleen Taiwan, iyadoo sidoo kale 41-Shaqaale ah ay Maamulka Addis abeba u soo tababareen kuwaasoo sii watay Carqaladeynta Diyaaradaha isticmaalaya Hawada ku aadan degaankaasi.

Dad badan ayaa Aamisan In Maamulka Villa Somalia uu ka warwareegaayo inuu qaado Talaabooyin adag laguna xiro Garoonka Diyaaradaha Hargeysa kana joojiyo Duulimaadyada Diyaaradaha Ehiopian Airlines iyo FlyDubai sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Dalka UAE iyo in Dadka Rayidka ah uu culeys ku dhaco Maamulkana helo taageero bulsho.

Hey’adda SCAA ayaa 2-fariimo qoraaleed oo (NOTAM) ah u dirtay 198-Dowladood & in Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ah waxeyna ku wargelisay in Isticmaalaan hadii ay adeegsanayaan hawada Somalia Satellite Phone ee Satcom iyo CBDLS oo ah adeeg ku shaqeeya Internet-ka, iyadoo gebi ahaan la joojiyay adeegii Radiyaha VHF ee horey loo adeegsan jiray.

310520cookie-checkWarbixintii Ugu Dambeysay ee Muranka Hawada ee SCAA & Laanta Hawada Waqooyiga Dalka…