Dowladda Federaalka Somalia Oo Codsatay Hey’adda IMF-ta Muddo Kordhin

Somalia news

Dowladda Fedaraalka ayaa weydiisatay Hey’adda Lacagta ee IMF iney dib ugu dhigto muddo saddex bilood oo dheeraad ah qiimeyn dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha, taasoo ku muddeysan 17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib xiliga doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka… 

Qoraal ay si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayeey Xujuumada ku sheegtay in aysan awoodin in ay ka qeybgasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF muddada loo qabtay. Bil kasta, waxaa jira gaabis $10m farqiga u dhexeeya dakhliga dowlada soo gala iyo midka ka baxa. Saaxiibada Somalia ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed ee ay ku taageeri jireen Dalka, kadib doorashooyinkii dib u dhacay. Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya US$38 milyan, marka la barbar dhigo US$170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho, Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Somalia oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ka caawiso Somalia” ayaa lagu sheegay Qoraalka.

Muddo bilooyin ah, Dowladda Federaalka ayaa ka aamusneyd arrintan, waxayna cosdiga muddo kordhinta IMF dowlada Somalia ka codsatay ka dhigantahay ineysan dowladu ka soo bixin xilligii loogu talagalay inay uga qeyb qaadato dib u eegista.

Kaalmo Saddex sano soconeysa, gaareysana ku dhawaad $400-milyan (380-milyan Euro) oo hay’adda IMF ugu talogashay inay ku taageerto barnaamijka deyn cafinta Somalia ayaa si automatic ah meesha uga bixi kara, haddii aan la dhameystirin hanaanka dib u eegista maaliyadda ee Dalka, ayaa yiraahdeen khuburo dhanka maaliyadda ah.

187120cookie-checkDowladda Federaalka Somalia Oo Codsatay Hey’adda IMF-ta Muddo Kordhin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com