Barakac Ka Bilawday Degaano Hoos Taga Sh/Dhexe

Health

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Boqolaal qoys ayaa ka barakaceen tuulooyin fara badan oo hoos taga magaalada Jowhar iyo qeybaha kale ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabelle…

Wararka ayaa sheegaya in fatahaada webiga ka sokow ay ka jiraan degaano ka tirsan gobolka roobab maalmahanba da’ayey oo xaalada uga sii daray markii ay ka dhasheen daadad xoog badan.

Qaar ka mid ah dalagyadii beeraha ee sanadkan ay sugayeen beeraleyda tuulooyinkan ayaa la sheegay inuu khasaare xoog leh soo gaaray kadib markii ay biyuhu qaadeen, waxaana ka mid ah tuulooyinka laga barakacay ee ay fatahaadu saameysay:-

1.Tuwaarey
2. Maageey
3. Gaashaanle
4. Kulmis
5. Buulo Axmed
6. Sabuun
7. Baardheere
8. Jameeco
9.  Muriyaale
10. Lamawaab
11. Buulo Bishaar
12. Gaafaay
13. Timire
14. Magadley
15. Raqayle
16. Dayma Same
17. Raqayloow Buurdheere
18. Xaanshooley
19. Geedo Barkaan
20. Buur Fuule
21. Jowhar Soomaali.

Waxgaradka degaanadan iyo culumaaudiinka ayaa baaq degdeg ah u diray Dowlada iyo Shacbiga Soomaaliyeed iney gurmad la soo gaaraan Dadka Dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shable, iyagoo iska dhex magacaabay guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo gurmadka loo sameynayo qoysaskan, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe aysan illaa hadda waxba u qaban dadkan dhibaateysan.

31430cookie-checkBarakac Ka Bilawday Degaano Hoos Taga Sh/Dhexe