Ciidamada Danab Oo Qeyb ka ah Dhoolatus Aad u Balaaran oo Lagu Qabanaayo Kenya..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhoolatus Ciidamo ay soo abaabuleen Dowladda Mareyakanka looguna magac daray “Justified Accord”, kaasoo ay ka qeyb galayaan 23-Dal, iyadoo la isku raacay inuu (Dhoolatuskaan) uu yahay kii ugu balaarnaa ee noociisa ah ee lagu qabto Bariga Africa…

Wararka ayaa sheegaya in Dhoolatuskaan uu socon doono 11-Maalmood (26-ka Bishaan ilaa 7-da bisha 3-aad ee Sanadkaan), ujeedada ka dambeysa ayaa lagu fasiray sidii kor loogu qaadi lahaa Ciidamada Khaaska diyaar garowga Howlgelinta deg deg ah, Nabad ilaalinta iyo ka qeyb qaadashada gargaarka Bini’ aadinimada, sida laga soo xigtay Xogo loo qaateen ah.

Waxaa kaloo ka mid Howlgalkaan xoojinta iyo xiriirka talis oo caalami ah, tababar goobeed, layli dab-damis ah iyo kuwo badeed, iyo hawlgallo gaar ah iyo koorsooyin internet-ka ah, Gurmadka & Rugaha daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah loo fidin karo Dadka Degaanka, iyadoo ay ka qeyb galayaan Dalalka Somalia, Djibouti, Rwanda, Uganda iyo Kenya oo lagu qabanaayo.

311260cookie-checkCiidamada Danab Oo Qeyb ka ah Dhoolatus Aad u Balaaran oo Lagu Qabanaayo Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com