Daawo (Kiniin) Isticmaalkeeda Digniin Laga soo Saaray Dalka Somalia

Health Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaameysa in Dalka Somalia uu ka mid noqday Dalal dhowr ah oo si khladan looga isticmalo kiniiniga Magaciisa lagu sheegay Pregabalin waxaa jira khataro badan oo caafimaad oo laga digay inuu leeyahay kiniinkan oo marna dawo loo isticmaalo marna loo adeegsado maandooriye ahaan…

Pregabalin waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuunno ay ka mid yihiin qallalka, suuxdinta, maskaxda, neerfaha iyo yaraynta walaaca si la mid ah dajinta dareemada jirka, Dhaqaatirta ayaa u qora bukaanada dawadan marka ay ka helaan cuduradaan, balse bukaanada qaar ayaa mararka qaar isticmaala xad ka badan intii loo qoray taas ayaana sababta khataro Caafimaad.

Qaar ka mid ah Dadka isticmaala pregabalin ayaa ugu yeera “mid wax dajisa ” sababtoo ah waxay qofka isticmaala siisaa dareemaan nasasho leh, iyo mid wax dajinaysa, In xadi badan laga isticmaalo ama lagu daro dawooyin kale waxay sababtaa in ku keento qofka isticmaalay suuxdin ama dgibaato dhanka neefsashada ah.

Khubarada Caafimaadka ayaa sheegay in Opioids iyo pregabalin ay wada shaqeeyaan si ay u gaabiyaan neefsashada, Daawada degdega ah ee loo yaqaan naloxone, oo ka shaqeysa saameynta opioids, ma laha wax saameyn ah oo ay kaga hortagto saameynta pregabalin.

316710cookie-checkDaawo (Kiniin) Isticmaalkeeda Digniin Laga soo Saaray Dalka Somalia