Todobaadkii ugu dambeeyay ayaa Waxaa shirar wada tashi ah ku yeelanaayay magalaada Nairobi ee dalka Kenya Ganacsato,Siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka soo jeeda Beesha Wasiirka 1-aad ee Maamulka Farmaajo, Kulankaasi oo ahaa mid la xiriirta ololaha doorasahada 2021…
ayaa tilmaamtay in shirarkaasi ayaa la sheegay iney garwadeen ka ahaayeen 4-xubnood oo kale; Xildhibana Dhagdheer, Xildhibana Xuseen Iidoow, Ganacsadayaasha Ismaaciil Gooni iyo Cabdikarin Gaanbe. Inta ay joogeen magalaada Niarobi waxa ay shirrar gaar-gaar la yeesheen qaar ka mida Xildhibaanada Kenya, musharaxiin, ganacsato kuwaasIi aan si gabasho lahayn u sheegayay in Xasan Kheyre yahay Musharax u taagan jagada Madaxweynanimada Somalia.
Iyadoo dhaqaalaha ku baxay kulumada lagu qabtay magalaada Nairobi, la sheegay in laga bixiyay Xafiiska Mr.Kheyre. Kulamadaas ayaa waxa si aan gabsho lahaynin loogu eedeeyay Mr.Farmaajo, iyadoo dusha looga tuuro dhamaan qalaldaadkii uu horay u galay Xasan Cali Kheyre.
Gacansade Ismaaciil Gooni ayaa u sheegay ganacsatada beesha Ogaadeen in dhibka ka jira Soomaaliya uu mas’uuliyadeeda leedahay Farmaajo “ Walaalayaal beesha Ogaadeen waxa la dagaashan waa Farmaajo iyo beesha Mariixaan, Xasan Kheyre wax shaqo uu ku leeyahay ma jiro, taasna waxaa daliil u ah Xasan Kheyre waligiis kama hadlin qadiyada Jubbaland, marar badana waxaa uu ka horyimid go’aano lagu waxyeelanynayo Beelaha Ogaadeen” ayuu yiri Ganacsade Ismaaciil Gooni.