Xero Ciidan Oo La Weeraray…

Politics Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koox ka tirsa Shabaabka ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe…

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay degaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku taal inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad, waxaana halkaas fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin weerar kusoo qaaday Shabaabka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkii uga yimid dhanka shabaab ay iska difaaceen, isla markaana ay war hayeen weerarkaas waa sida hadalka loo dhigay.

Dadka deegaanka Raaxoy ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo shabaab, in kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka -shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabbagal ah ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi, iyadoona intaas kadib uu dagaal toos ah uu dhexmaray labada dhinac.

20900cookie-checkXero Ciidan Oo La Weeraray…