Xiisada Somalia Iyo Kenya Miyaa Lagu Xalin Karaa Xiriir Talefoon..

Politics

Kadib markii Danjiraha USA ee Magaalada Muqdisho uu dadaalo u galay sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha colaadeed ee uu ka abuuray Mr.Farmaajo Magaalooyinka Mandheera iyo B/Xaawo,kadib markii uu Ciidamo loogu talo galay in lagula dagaalamo Shabaabka u wareejiyay Difaaca danaha beeshiisa..

Iska horimaadkaasi oo ka dhashay khasaaraha badan ee naf iyo maalba leh, ayaa saameeyay Degmooyinka B/Xaawo iyo Mandheera,iyadoo barakac xoogan uu ka bilaawday, kadib dagaalkii Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo horey degmada u maamulayay iyo kuwo Federaalka oo la keenay degmada si ay ula dagaalamaan kuwa Jubbaland.

Hadaba Su’aalo dhowr ah ayaa ka dhashay wada hadalada Mr.Farmaajo iyo Mr.Uhuruu, iyadoo aysan ka hadlin Weli Maamulka Nairobi waxaana amusnaantaasi loo fasirtay in aan weli xal buuxa helin xiisadaha colaadeed iyo abaabulka xoogan ee ay wadaan dhinacyadaan.

Aqoonyahannada arrimaha Somalia vs Kenya ayaa tilmaamay in bilow fiican ay noqon karto qaboojinta xiisada balse aysan xal waara horseedi doonin, maxaa yeelay gunta xiisada ayaa ah dagaal Siyaasadeed iyo beeleed ee uu ku rabo Mr.Farmaajo in Beeshiisa ku qabsato Magaalada Kismaayo iyadoo uu kaalamo ka helaayo Danjiraha USA ee Muqdisho.

Ku darsoo Akhristoow, waxaa laga weecday Halgankii loogu jiray la-dagaalanka Kooxaha argagixisada, oo Degaanada labada dal ka wada dagaalo ku-dhufo oo ka dhaqaaq iyo mid cabsi gelin ah, Sidoo kale waxaa maareyn u baahan in xal loo helo Xiisadaha Ka dhashay Dacwada Badda ee u dhaxeysa labada dal Go’aankeeda laga sugaayo Maxkamadda Cadaalada Aduunka Bartamaha sanadkaan.

Kenya iyo Somalia ayaa hadalo kulul hawada isku mariyay todobaadkii ugu dambeeyay,Ciidamo faro badana geeyay xuduuda labada dal, ma laga yaabaa in xiisadahaan ay soo af jarto xiriirka khadka talefonka iyo gudi u saarida labada dhinac.

20960cookie-checkXiisada Somalia Iyo Kenya Miyaa Lagu Xalin Karaa Xiriir Talefoon..