Beeraleyda Degaanada Puntland oo Cababtay Khudaarta Laga Keeno Yemen..

Domestic News Economie Politics Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Beeraleyda degaanadaasi ay wajahayaan khasaare ba’an oo gaaraya 89% tacabkoodii khudaarta, gaar ahaan basasha oo ahayd dalaga ay si weyn ugu tiirsanaayeen kana heli jireen dakhliga ugu badan oo ay ku maareeyaan kharashaadka Beerhooda…

Wararka ayaa sheegaya in qiimaha Basasha hoos u dhaca weyn ku yimid, iyadoo halkii kiilo oo basasha ah oo horey ugu kacaysay $0.7 ilaa $1.2 ay hadda gaartay $0.25 ilaa $0.35, Hoos u dhacaasi degdegga ah ayaa saameeyay dakhliga beeraleyda, kuwaasoo xiligaan la daalaa dhacaya in ay iska bixiyaan kharashaadka beertooda iyo daymaha lagu leeyahay.

Waxey sheegeen in sababta ugu weyn ee xaaladdan ay tahay basasha laga soo dhoofiyo Dalka Yemen oo si furan ugu soo qulqulaysa degaanada Puntland, gaar ahaan dekedda Bosaso oo ah meesha ugu dhaw ee ganacsatada Yemen isticmaalaan, Arrintan ayaa timid kadib markii Yemen laga mamnuucay in ay basasha u dhoofiso suuqyadii waaweynaa ee ay ku tiirsanayd sida Sucuudiga, Oman iyo Imaaraadka Carabta, taasoo keentay in basashii Yemen loo soo weeciyay Somalia.

372790cookie-checkBeeraleyda Degaanada Puntland oo Cababtay Khudaarta Laga Keeno Yemen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *