Maxaa Keenay In Xildhibaan Cusub Uu Xuquuqdiisa Waayo

Somalia news

Dad badan ayaa ku tilaamamay in Baarlamaankii 10-aad ee Somalia uu ahaa kii ugu liitay ee soo mara Dalka, laakin marka la eego Sawirka hordhaca ah ee ka muuqda Xildhibaanada Cusub, waxaa jirta cabsi ku saabsan inuu noqon karo kii ugu liitay ee soo Dalka…

Waxaa xusid mudan in Xildhabaanada Baarlamaan ay inta badan cusub yihiin, iyadoo aan dood badan ku jirin in habka loo soo xulay ay tahay Nidaamkii ugu musuqa badnaa Taariikhda Xulashada Baarlamaanadii dalka soo maray, laakin si walba ay ku yimaadeen waxaa niyad jab kale ah in aaney ka muuqan saan saan u qalanta samata bixinta Dal iyo Dad kala qeybsan.

Teeda kale Xildhibaanadii Baatlamaankii 10-aad ee waayay kuraastoodii ayaa weli heysta Gunooyinkii, Xasaanadii iyo Mushaaraadii, iyadoo kuwa cusubna aan weli loo bilaabin xuquqdii ay lahaayeen, Dhaqankaan Maamul xumida ayaa ka mid ah kuwa la degay dalka, iyadoo sidoo kale la sheegay in 8-bilood uu Xildhibaan kursigiisa waayay uu weli qaadanaayo Dhaqaalihii halka midka la doortay uu muddo 8-bilood ka jir uusan heysan xuquuqdii uu lahaa.

Xiligaan 130 Xildhibaan ayaa Shahaadada & Kaarka Aqoonsiga qaatay.

180090cookie-checkMaxaa Keenay In Xildhibaan Cusub Uu Xuquuqdiisa Waayo