Is-Maandhaaf ku Geedaaman Qorshaha Dhismista Ciidamada ATMIS & Hogaanka Soomaalida Qaarkood Shaki ka Muujiyeen..

Somalia news

Iyadoo uu xowli ku socda Dhimista iyo Wareejinta Fariisimada Ciidamada ATMIS ee Ciidamada Dowlada Federaalka, ayaa waxaa Saraakiisha Dowladda ka tirssn ay ka digeen in Qorshahaan uu noqon karo mid lagu deg degay oo aan laga fiirsan, isla markaasna sare u qaadi kara khatarta Kooxaha Argagixisada iney dib u qabsadaan Degaanada lagala wareegay…

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ( Maxamuud Sayid) ayaa ka digay in Qorshaha dhimista iyo Wareejinta Fariisimada uu yahay mid lagu deg degay, wuxuuna intaasi raaciyay iney adkaan doonto in Ciidamada Somalia sugaan Amaanka goobaha ay baneeyeen Ciidamada ATMIS wuxuuna sheegay:-

Balse Mas’uuliyiin kale ayaa aragtida Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ku khilaafay, isagoo sheegay:-

Dhimista Ciidamada ATMIS ayaa ku beegmatay xili ay Dowlada Federaalka isku diyaarineyso iney qaado wajiga 2-aad ee Gulufta howlgalada ka dhanka ah Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Saraakisha Ciidamada ay sheegeen in hakinta Howlgalada ay sabab u ahaayeen Robabka, Gurmadka Ciidamada Deriska iyo Weeraro lagu qaaday Fariisimada Ciidamada..

Howlgaladaan ayaa loogu magac daray “Libaaxa Madow” ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan Ciidamada ka socda Dowladaha Ethiopia, Djibouti iyo Kenya, si kastaba ha ahaatee, is-maandhaafka ku gedaaman bixiyaanka iyo Wareejinta Fariisimada, waxaase laga cabsi qabaa iney Qorshahaan uu waxyeelo u geysan karo Wajiga 2-aad ee Howlgalka.

264270cookie-checkIs-Maandhaaf ku Geedaaman Qorshaha Dhismista Ciidamada ATMIS & Hogaanka Soomaalida Qaarkood Shaki ka Muujiyeen..