Beeraleyda Gobolka Mudug oo Wajahaya nolol-xumo Kadib daad ka qaaday Dalagyo ay Beerteen..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaano hoos taga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in 51-Qoys oo beeraley ah kuna nool Degaanka Dhardhaar oo daadkii ka dhashay roobkii dayrta ay galaafteen dalaggii ay beerteen, kaasoo ay qorshaynayeen iney goostaan, waxeyna wajahaayaan nolo xumo adag..

Wararka ayaa sheegaya in Qosyaskaan oo ilo kale oo dhaqaale laheyn, ayaa hadda ku tiirsan caawin aan joogto ahayn oo ay ka helaan Dad ay qaraabo yihiin oo degan Magaalada Bandiiradley oo Degaankoodu hoos tago, Raashinka ay u keenaan ayuu sheegay in ay karsadaan hal waqti si ay u beeqaamiyaan waqti dheer, waxeyna intaas raaciyeen in arrintaan ay la kulmeen xilli ay filayeen iney ka soo kabsadaan abaarta oo horay u ragaadiyay wax soo saarka beerahooda.

Beeraleydaan ayaa waxaa iskugu darsamay inuu marka hore ka dhamaaday kaydkii hore iyo in aysan hayn wax soo saar cusub taas ayaa baday in ay ku soo dhacaan xaalad hubanti la’aan dhanka cuntada ah, ilaa hadda ma jirto Hey’adaha Gargaarka, Maamulka Galmudug iyo Dowladaa Federaalka iney Dadkaan u fidiyaan taageero.

329040cookie-checkBeeraleyda Gobolka Mudug oo Wajahaya nolol-xumo Kadib daad ka qaaday Dalagyo ay Beerteen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com