Dhalinyaro Banaanbaxyo Dhigay Oo Dil Loogu Hanjabay

Somalia news

Qeylo Dhaan ay soo saareen Xubno Dhalinyaro oo ku mideysan kudlada Musharixiinta Xildhibaanada Degaanada Waqooyiga ka soo jeeda kuwaasoo sheegay in hanjabaado dil xambaarsan ay Villa Somalia iyo ilaalada Shacbka loogu fadwooday iney dilaan xubnahaan Banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Mogadishu…

Xubnahaan oo Magacyadoodu kala yihiin Mubaarag Axmed Maxamed, Samsam Muxumed Cabdiweli Gaas iyo Maxamed Ciise Sulub oo ku mideysan Kudlada Mucaaradka Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in Banaanbixi ay dhowaan dhigeen ay ku muujinaayeen fikirkooda si nabad ah, ayeey fal celin kala kulmeen Saraakiil ka ah dhow Mr.Farmaajo, iyagoo loogu hanjabay dil.

https://www.facebook.com/100010549742388/posts/1398733667154945/?d=n

Waxeyna ugu baaqeen Hey’addaha Garsoorka iyo kuwa Amaanka inaan la fududeysan Hanjabadahaan ka soo yeeray Villa Somalia iyo Taageerayaashooda, iyagoo ugu baaqay in la badbaadiyo Naftooda.

100090cookie-checkDhalinyaro Banaanbaxyo Dhigay Oo Dil Loogu Hanjabay