Beesha Caalamka oo ku baaqday in wadahadal laga galo Khilaafka Jubbaland…

Politics Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia ayeey ugu baaqeen Maamulka Jubbaland & Dowlada Federaalka iney la qaboojiyaan xiisada u dhexeysa, iyagoo sheegay iney ka walaacsan yihiin sare u kaca Khilaafka, ka dib shirkii Golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho…

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada”, waxeyna ku booriyeen in dhamaan dhinacyada ay ka waantoobaan sida hadalka loo dhigay daandaansiga iyo Abaabulka Colaadaha oo ay dib u galaan wadahadal furan, ka hor inta aan la dhamaystirin hannaan doorasho.

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa waxaa loogu baaqay iney dib ugu soo laabato Golaha Wadatasgiga, si ay uga wada hadlaan wax walba oo taagan, isla markaana ay dib u soo celiyaan xiriirka kala dhaxeeya DFS ka hor inta aan la aadin doorashada, “Saaxiibada caalamku waxay Somalia ka taageeraan horumarinta ajandayaasheeda dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hamiga ah in si tartiib-tartiib ah loogu gudbo doorasho hal qof iyo hal cod ah iyada oo loo marayo nidaamyo codbixineed oo loo dhan yahay iyo ka qayb-qaadasho sii kordheysa” ayaa warka la sii raaciyey.

War saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Jaamacadda Carabta (LAS) ), Qatar, Ruushka, Spain, Sweden, Switzerland, Turkiye, United Kingdom, United States iyo Qaramada Midoobay.

350350cookie-checkBeesha Caalamka oo ku baaqday in wadahadal laga galo Khilaafka Jubbaland…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com