Maxaa Ka Run ah in Abiy-ga Ethiopia uu Culeys ku Saaray Sheekh Shariif & Farmaajo Iney Dhisaan Isbaheysi Mucaarad ah..

Somalia news

Macluumaad loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in todobaadkii ugu dambeeyay uu Abiy-ga Ethiopia uu culeys ku saaray Garabyada ay kala Hogaamiyaan ee Xildhibaanada Federaalka Sheekh Shariif, Farnaajo iyo Saciid Dani-ga Puntland iney Xoogooda mideeyaan ugu yaraan abaabulaan mooshin dhan ka ah Madaxweynaha Somalia…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Todobaadkii tagay uu Sheekh Shariif ka khudbeeyay Barlamaanka isla markaasna bilaabay inuu Kulamo la qaato Xildhibaanada taageersan una sheegay iney abaabulaan mooshin, Halka Maxamed Farmaajo lagu wado in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa lagu sheegay ujeedka xilliga ee Somalia u soo gaaray inay tahay kafob markii uu culeys ku saaray inuu abaabulo Mooshin dhan ka ah Xasan Sheekh iyo inuu ka qeyb qaato dooda socota ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah  ee Villa Soomaaliya si aad ah ay u riixayso.

Kadibna waxaa wararku ay sheegayaan inuu (Farmaajo) safar ku tago magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, Halkaas sida ay ilo wareedyadu sheegayaan inuu kaga qayb gali doonaan kulamo lagu mucaaradsan yahay Villa Somalia waxaana ku wehlin doona Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaab Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre.

310670cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Abiy-ga Ethiopia uu Culeys ku Saaray Sheekh Shariif & Farmaajo Iney Dhisaan Isbaheysi Mucaarad ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com