Tababarada Ciidamada Dowladda Oo la Kordhiyay Balse Natiijada Xoreynta Degaanada Kooxaha Argagixisada heystaan ayaa Hooseysa..

Somalia news

Tan iyo laga soo bilaabo Sanadkii 2007-dii waxaa Ciidamada Dowladda Federaalka la siinaayay tababaro xirfadeed ee dhinaca dagaal gelinta kuwaasoo ay si joogto ah u bixinaayeen Dalalka Saaxiibada Somalia, waxeyna sheegeen iney dhaqaale badan u hureen isla markaasna Dalka dibadiisa loo qaado Ciidamada…

Dalka Mareykanka ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadki 2007-dii ay in ka badan 2,5-Bilyan oo US $ ah ku kharash gareeyeen Howlaha Tababarida, Hubka, Dayactirka Gaadiidka, Sahayda iyo Saadka Ciidamada Dowladda Federaalka, dhaqaalahaan la sheegay iney ku jiraan Duqemaha Drones-ka iyo Diyaaradaha dagaalka USA, Dalalka kale ee deeqaha Ciidamada bixiya ayaa waxaa ka mid ah Turkiga, UAE, Qadar, Masar, AU-da iyo EU-da inkastoo aan la heynin kharashaadka ku bixiyeen tababarida Ciidamada.

Dowladda Federaalka ayaa tan wakhtigaasi waxaa la sheegay in loo soo tababaray tiro Ciidamo ah oo tiradoodu kor u dhaafeyso 50.000 oo askari, kuwaasoo magacyo qurxoon loo bixiyay sida (Danab, Gorgor, Haramcad, Duufaan iyo kuwo kale), marka laga reebo Duulanada Dowladda Xiligaan ay qaaday intii ka horeysay ma jirin qorshe cad oo la dejiyay si loo xajameeyo kooxaha Argagixisada oo degaano badan heysta, inkastoo Duulanka xiligaan khaladaado badan ay muuqdaan.

Isku soo hooro, Dadaaladaan ayaa Falanqeeyayaasha arrimaha Ciidamada ku tilmaameen kuwo aan wada socon, isla markaasna dhibaatada ugu weyn ayaa ah Luqadaha lagu soo tababaray oo kala gedisan, mana jiraan Tababaro kale oo Ciidamada Afka Soomaaliga loogu bedelo, La-taliyaha Amaanka ee Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan 10,000 oo askari ay Tababaro ku soo dhameystay dalka dibadiisa howlgalada qeyb ka noqon doonaan, Tababarada Ciidamada ayaa noqday Mashruucii Faanoole.

254950cookie-checkTababarada Ciidamada Dowladda Oo la Kordhiyay Balse Natiijada Xoreynta Degaanada Kooxaha Argagixisada heystaan ayaa Hooseysa..