Boliiska Degmada Qardho Oo Xabsiga Dhigay Ciidamo

Somalia news

Xoogaga Amaanka Magaalada Qardho ee Gobolka Bari Puntland ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 13 Askari oo katirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii lagu soo eedeeyay eedeymo kala duwan oo ay ka mid yihiin isku day ay doonayeen inay xoog kula baxaan hub…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dableydaan oo ka tirsan Daraawiishta, ayaa xalay  isku-dayay in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, balse Ciidamada Boliiska Magaalada ayaa fashiliyay tallaabadaasi.

Is-rasaasayn xooggan oo dhexmartay labada dhinac, lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Boliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Qardho.

20 askari oo isku-daygaas ku eedaysan ayaa 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Saraakiishu sheegtay, falkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Xiisado ka soo cusboonaayeen Magaalada Boosaaso.

160520cookie-checkBoliiska Degmada Qardho Oo Xabsiga Dhigay Ciidamo