Shirka Wadatashiga Qaran Oo Burbur Qaranka u Saaran

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu qarka u saaran yahay in lagu kala tago, iyadoo doodda ugu weyn ee shalay iyo maanta shirka hareysay uu yahay arrinta Amniga, waxaana Qidobkaasi aad uga biyo diiday Qorqor iyo Lafta gareen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Kan Galmudug ay ku hanjabeen iney shirka isaga baxaayaan haddii qodobka Amniga Dalka lagu adkeysto laga wareejiyo Farmaajo.

Xaalada uu Shirkaan ku sugan yahay ayaa la mid ah midkii Shirkii April ee sanadkii hore oo ugu dambeyn lagu kala tagay, horseedna u noqday muddo kororsigii labada sano iyo isku dhacyadii Muqdisho ka dhacay ee looga soo horjeeday muddo kororsiga.

160550cookie-checkShirka Wadatashiga Qaran Oo Burbur Qaranka u Saaran