Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgalo amaan xoojin ah oo Xoogaga Amaanka ee Magaalada Boosaaso ka sameeyay qeybo ka tirsan Magaalada, iyagoo ku baaray Hoteel, Gaadiidka & goobo ay ka shakiyeen, waxeyna soo qabteen tiro Dhalinyaro ah..
Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Madaxa qaybta Boliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Ciidamada ayaa galay Xaafadaha qaar & Hoteellada oo ay kasoo qabteen dad ay tuhmayeen, Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa Booliiska u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Burcad ka furata Telefoonnada gacanta & agabka kale ay wataan, taasi ayaa dhalisay in Ciidanku jawaab ka bixiyo sida sheegay Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari.
“Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxa ay ciidamadu u sameynayeen guri-guri iyo Hoteellada oo ay galeen, waa qayb kamid ah xoojinta Ammaanka & la dagaalanka Burcadda Shacabka ka furata agabkooda” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Taliska qaybta Boliiska.