Golaha Wasiirada Oo Xilal Cusub Ansixiyay

Somalia news

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda XFS ayaa lagu ansixyay in 2-xubnood loogu kala magacaabo Hey’adda Jinsiyadaha & Socdaalka iyo Hey’adda Batroolka, kuwaasoo lagu wado iney kala wareegaan Saraakiil Hore u geystay Hogaanka Maamulka labada Hey’adood..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi.

Gollaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng Abdulkadir Aden Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

148660cookie-checkGolaha Wasiirada Oo Xilal Cusub Ansixiyay