Maxaa Keenay in Xero Ciidan isku Xiray Madaxweynaha Maamulka Puntland

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland oo muddo ku magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa la sheegay inuu ka guuray Xarunta Madaxtooyada isla markaasna degay xerada Ciidamada PMPF sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Mr.Deni oo muddo xileedkiisu bilooyin uga harsan yihiin ayaa la sheegay inuu xerada gudaheeda ugu yeerto Dadka uu danaha ka leeyahay kaliyah iyo shirar qarsoodi ah la yeelanaayo xubnaha aad u taageersan, iyadoo lagu fasiray degista Xerada Ciidamada mid uu uga dhuumanaayo Ganacsatada deynka ku leh iyo xubno uu balamo siyaasadeed horey ugu sameeyay.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Deni uu sidoo kale Abaabul Ciidam ka wado gudaha xerada kuwaasoo u qorsheeyay iney u fuliyasn boobka Doorashada lagu muransan yahay ee degaanada Puntland gaar ahaan Gobolada Nugaal iyo Bari, hadii ay suurtobi weysana uu muddo kordhin qorsheysan ku dhaqaaqo isagoo adeegsanaaya Ciidamada PMPF.

240680cookie-checkMaxaa Keenay in Xero Ciidan isku Xiray Madaxweynaha Maamulka Puntland