Boobka Canshuurta & Matalaad La’aanta Ku Habsatay Shacbiga Gobolka Benadir..

Somalia news

Magaalada Muqdisho waxay martigelisaa oo ku nool 4-5 Millions oo Muwaadiniin kuwaasoo Maamulka Villa Somalia ku tafri fala Canshuuraha kala duwan Shacbiga halka laga gaabiyay in la fuliyo adeegyada asaasiga ah sida Caafimaadka, Dayactirka Wadooyinka iyo Nadaafada..

Nidaamka Canshuurta ee Xaqdarada ah ee ku kooban Caasimada, Magaalada Muqdisho oo ah gobolka kaliya ee Somalia ka tirsan ee sida tooska ah u bixiya canshuuraha Dowladda Federaalka, ayaa tusaale muuqata u ah canshuuraha aan cadaaladda ku fadhin, Nidaamkaan cadaalad-drrada ah ayaa salka ku hayaa canshuurta iibka, taasoo ilaa hadda loo daliishada sharci laga soo bilaabo xilligii keli-taliska 1984-kii.

Waxaa intaasi dheer, Kooxdaan Qowleysatada ah inay ku qaataan dhaqaale dhan Shatiga wadista kharash aad u badan oo dhan $325 oo ah mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya Dalka, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in intooda badan ay u hoggaansamaan Dhalinyarada nolol maalmeedka ja raadiya wadista Mooto Bajaajta, waxaana loo kala qaataa sidatan:-

-$15 shahaadada dhalashada (oo lagu daray laaluush $10).

-$13.25 CID (oo lagu daray $10 laaluush ah)

-$10 Diiwaangelinta

-$25 Shahaadada Caafimaadka.

-$80 Barashada Dugsiga wadista.

-$62 Qaadashada shatiga.

-$20 Ganaaxa Tigidhada Taraafikada.

-$20 Baada Ilaalada Degaanka hubeysan ee Wadooyinka taagan

Matalaada Gobolka Benaadir

Yagleelida Matalaada Gobolka Banaadir ma aha oo kaliya Hab maamul, waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in Shacbiga degan magaalada Muqdisho ay helaan matalaad cadaalad ah iyo in si hufan looga faa’ideysto canshuuraha laga qaado, Gobolka Banaadir wuxuu u sahlayaa dadka Muqdisho ku nool inay maareeyaan kheyraadkooda, taasoo u oggolaanaysa inay mudnaanta siiyaan maalgashiga Waxbarashada, Nadaafada, Caafimaadka, iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee ku haboon baahidooda gaarka ah.

339750cookie-checkBoobka Canshuurta & Matalaad La’aanta Ku Habsatay Shacbiga Gobolka Benadir..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com