Kooxda Dhuusa Mareeb Oo Shaaciyeen Heshiis Aan Loo Dhameyn

Somalia news

Waxaa xalay oo taariikhdu tahay 20.08.2020 ay shaaciyey heshiiskii ay wada gaareen Mr.Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ku sugan Dhuusamareeb, Shirka Dhuusamareeb oo ay ka maqneyd Puntland iyo Jubaland oo la furey maalintii Isniinta ayey qorsheysteen in la soo geba-gebeeyo maalinimadii Arbacada ee 19 Agoosto….

Qorshaha Villa Somalia ayaa ahaa in heshiiska la shaaciyo maalintii shalay oo la saxiixey, hase yeeshee waxaa kasoo dhexgalay qoraalkii kasoo baxay Beesha Caalamka oo sheegtay in aysan sinaba u aqbali doonin heshiis koox gaar ah gaarto, Dhinaca kale waxaa muuqda xubnaha ku sugan Dhuusmareeb oo horey ugu soo shirey Muqdisho in qorshahoodu u diyaarsanaa oo ay yeesheen shirar Villa Somalia ka dhacay kadib Shirkii Dhuusamareeb 2 iyo riditaankii Ra’salwasaarihii hore Mr.Kheyre.

Waxaa iyaduna soo shaac baxday shakigii ay Puntland iyo Jubaland ka qabeen xubnaha horey ugu soo shiray Villa Somalia inay doonayaan oo kaliya in lagu shaabadeeyo qoraal horey loo soo diyaariyey.

55700cookie-checkKooxda Dhuusa Mareeb Oo Shaaciyeen Heshiis Aan Loo Dhameyn