Suufiyada Oo Dib U Bilaabay Abaabulka Maleeshiyaadka

Somalia news

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa ka bilaabay degaano hoos taga Magaalada Dhuusa mareeb dhaqdhaqaaq iyo abaabul xoogan, iyadoo la sheegay abaabuulkaan ay barbar socdaan kulamo ay Madaxdii Ahlu Sunna la yeelanaayaan Odayaasha iyo Dadka degaanka, si loo soo nooleeyo doorkii kooxda..

Wararka ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha kooxda Ahlu Sunna, ay taageero hub ah iyo Maleeshiyaad ka heleen Odayaasha Qabaa’ilada qaarkood, maalintii sabtidii la soo dhaafay ayeey degaanka Huurshe ku qaabileen Wakiilo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, iyagoo weydiistay iney ku soo wareejiyaan Hubka iyo Maleeshiyaadka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel ilaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka.

Dadka odoroso siyaasadda gudaha ayaa ku fasiray in ujeedka ugu weyn kooxda Ahlu Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka, halka Maamulka Qorqor uu ku maahquulsan yahay Hurdo iyo Ka faa’iideysiga Khilaafka Farmaajo iyo Fahad.

142150cookie-checkSuufiyada Oo Dib U Bilaabay Abaabulka Maleeshiyaadka