Caruur Laga Soo Badbaadiyay Xeryaha Shababka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xeryo ay Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ku tababaraan Caruur da’doodu aad u hooseyso kuwaasoo la siinaayay tababaro la xiriira is-qarxinta iyo Farsamada walxaha qarxa…

Wararka ayaa sheegaya in Howlgal ay ka fuliyeen Ciidamada Dowladda tuulada Nuunay oo u dhow Degaanka Bariire oo 62-KM (36-miles) u jirta Magaalada Muqdishu, ayaa looga dilay kooxda Argagixisada Ee Shababka 16- Dabley, iyadoo laga helay Tuulada 40- caruur ah oo laga soo afduubtay degaano kala duwan Ee Gobolada Dalka.

Kooxdaan ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay waday afduub ay u geysanayaan Caruurta kuwaasoo siiya tababaro la xiriira Qaraxyada iyo farsameynta walxaha qarxa, iyagoo u adeegsanayaa iney danhooda ku gaaraan, Saraakiisha Amaanka Ayaa sheegay in Horjoogayaasha Kooxda Shababka ay xiliyadii ugu dambeeyay ay xoojiyeen Howlgalada ay ka wadaan Gobolada Shabeelooyinka.

63220cookie-checkCaruur Laga Soo Badbaadiyay Xeryaha Shababka