Ma Dhabaa Booskii Wasiirnimo ee Xildhibaanad Khadiija M.Diiriye Loo Xushay Xildhibaanad Kale

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo khilaaf xoogan oo muddo sanado ah soo taagnaa kala dhaxeeyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa lagu wadaa ineysan liiska Golaha Wasiirada cusub ka muuqan doono…

Xogtaan ayaa sheegtay in Xildhibanad Khadiija oo 5-tii sano ee Maamulka uu hayay Farmaajo soo noqotay Wasiir aan dhicin, isla markaasna Xiligii doorashadana u wareegtay Kooxda abaabulka Sharif Sheikh Ahmed, iyadoo sanadki 2017-na kamid aheyd dadki uu Hassan Sheikh Mohamud soo saaray balse ku axdi-furtay ayaa loo sheegay ineysan kamid noqon doonin liiska Golaha Wasiirada uuso dhisi doono Raisul Wasaare Hamze Cabdi Barre.

Wararka ayaa sheegaya in booska Wasiirnimo loo xushay Xildhibanad Sahra Colaad oo kaso jeedo beesha Madhibaan ahna Marwada Gen.Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe” oo kamid ah saaxibada Madaxweynaha.

197200cookie-checkMa Dhabaa Booskii Wasiirnimo ee Xildhibaanad Khadiija M.Diiriye Loo Xushay Xildhibaanad Kale

1 thought on “Ma Dhabaa Booskii Wasiirnimo ee Xildhibaanad Khadiija M.Diiriye Loo Xushay Xildhibaanad Kale

Comments are closed.