Isgaarsiinta Oo Laga Jaray Degaano Ka Tirsan Jubbaland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ku yaala xudduuda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayaa ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay is-gaarsiintii ka jareen, sidoo kale wuxuu saameyn ku yeeshay xiriirka dadka dhexdiisa ah iyo is/dhaafsiga lacagaha la isugu diro EVC Plus…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in ilaa 15- degaan oo ku teedsan xuduuda Somalia iyo Kenya ay saameysay Isgaarsiinta ay jareen Ciidamada Kenya, isla markaasna adeegyadii EVC- dadka wax ku kala iibsan jiray la Xiray, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ku sababeeyeen jaritaanka Isgaarsiinta Howlgab ay fulinayaan degaanadaasi.

Dhanka kale, ilaa afar qof ayeey ciidamada Kenya ee la dagaalanka argagixisada ay toddobaadkan kala baxeen guryahooda oo ku yaalla tuulo hoostimaado Ceelwaaq, iyadoo shaley midkood la helay isaga oo meyd ah, Waxeyna talaabadaan dhalisay in Dadka degaanka ay banaanbaxyo looga soo horjeedo tacadiyada Ciidamada Kenya ay ka dhigaan degaano badan oo Gobolka Gedo ka tirsan.

63250cookie-checkIsgaarsiinta Oo Laga Jaray Degaano Ka Tirsan Jubbaland