Ciida Oo Lagu Kala Qeybsamay

Politics

Inta badan dalalka Caalamka Islaamka oo shalay buuxiyeen 30-ka Ramadaan, waana u CIID oo ma jirto Bil ay raadinayeen, inkastoo aragtida Bisha ay adag tahay in Isha lagu arko Afrika iyo qeybo badan oo Aasiya ka mid ah….

Go’aankii is-Khilaafka ee ka soo baxay Hogaanka sare ee la xiriiray ku dhawaaqida maalinta Ciida iyo sida ay go’aanka adag u qaateen urur diimeedka Ictisaam ayaa waxa ay fariin u dirtay Shacbiga Somalia guud ahaantiis, gaar ahaan urur diimeedyada kale oo ay siyaasada Xiligaan dalka isku hayaan.

Al-Ictisaam (Ex-Ittixaad) oo Xiligaan u meeriya isla markaasna u fatwooda Maamulka gacanta ku haya hogaanka dalka, iyo dhamaan Hey’addaha amniga dalka ayaa waxey awoodoodii u isticmaaleen inay Shacabka Soomaalida si qasab ah loogu iclaamiyo dhalashada maalinta ciida, Ma aha kaliya in la iclaamiyay maalinta ciida, balse waxa ay warbaahinta la soo fariisteen wasiirkii Awqaafta iyaga oo u meerinaya in uu ku dhawaaqo in ay beritio tahay Ciid, kana noqdo go’aankisii hore.

Hogaanka ugu sareeye ee urur diimeedka Ictisaam, Shiikh Bashiir Salad ayaa in mudo ah waxa u sharaxnaa in loo magacaabo Muftiga ugu sareeye Diinta ee dalka Soomaaliya, Talaabadasi siinaysa awood diimeed iyo mid siyaasadeed uu ku iclaamin karin Fadwo, nooc kastaa leh, oo saamaynaysa nolosha Bulshada Soomaaliyeed, naxiib wanaag, Farmaajo oo ka baqaya shacabka Soomaaliyed iyo Al-Sunna Wajameeca ayaan ku dhawaaqin  magacaabistaas inkastaa oo qoraalka  magacaabistiisa  horay uu u qoray.

36370cookie-checkCiida Oo Lagu Kala Qeybsamay