Ma Dhabaa in Dhismaha Maamulkiisa Cusub ee Puntland dib loo Dhigay & Sababta..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamay in Madaxweynaha dib loogu doortay Maamulka Puntland Saciid Deni ayaa dib u dhigay muddo Bil ama 2-Bil dhismaha Golahiisa Wasiirada, kadib markii Culeysyo kaga furmeen Ethiopia iyo UAE, Dowladahaan ayaa ka doonaya Mr.Deni inuu safkooda ku soo biiro dagaalka Villa Somalia kula jiraan..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweyne Deni uu caleema-saarkiisa kadib qorshaynayo inuu safar nasasho iyo dalxiis ah ugu baxo dalka dibaddiisa gaar ahaan Ethiopia iyo UAE, wuxuuna qorsheynayaa inuu Xildhibaanada ka codsado in loo oggolaado Muddadaasi.

Waa tallaabo ugub ah oo aan looga baran mudda xileedkii tegay ee Madaxweynaha inuu Baarlamanka fasax weydiisto marka uu u baxayo safar dibadda ah oo ku siman mudda bil ah (30 cisho) ama ka badan, balse Xiisadaha u dhaxeeya Somalia & Ethiopia uusan ka hadlin ayaa la sheegayaa on culeys lagu saaray inuu ka gaabsado inta la-tashiyo uu la sameynaayo Dowladaha Ethiopia iyo UAE.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Dowladda Ethiopia ayaa fariin adag u dirtay Maamulka Deni ee Puntland inuu kala baxo Maleeshiyaadkiisa & Hubkiisa degaanada Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Togdheer, iyadoo la sheegay in Ethiopia heshiiska ay gaartay Maamulka Somaliland uu qeyb ka ahaa in dib gacntooda loogu soo celiyo Degaanadoi iyo Fariisamadii laga qabsaday.

300890cookie-checkMa Dhabaa in Dhismaha Maamulkiisa Cusub ee Puntland dib loo Dhigay & Sababta..