Ciidamada Ethiopia ee Ku Sugan Gobolka Gedo oo Eedo loo Jeediyay & Sababta…

Security Somalia news

Macluuumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in xiisado cusub ay ka soo kordheen kuna lug leeyihiin Ciidamada Ethiopia ee ky sugan Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Garbahaarey kuwaasoo lagu eedeeyay iney Dadka Degaanka ka soo jeeda ee Taageersan Dowladda Federaalka ay ku hayaan cabsi gelin iyo Hanjabaado joogto ah…

Wararka ayaa sheegaya in dhawaan markii Wafdi ka socda Dowlada Federaalka oo ay ka mid yihiin Saraakiil & Howlwadeeno Degaanka ka soo jeeda laga hor istaagay iney ka degaan Garoomada Diyaaradaha ee Degmooyinka Doolow iyo Garbahaarey, waxeyna sabab uga dhigeen diidmadooda arrimo amni.

Todobaad ka hor ayeey Ciidamada Ethiopia si sharci darro ah ku xireen magaalada Doolow 6-Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka kuwaasoo ku sii jeeday Degmada Ceelwaaq ee Somalia, talabooyinkaan ay qaadayaan Ciidamada Ethiopia ayaa u muuqda kuwa looga argoosanaayo Muwaadiniinta Somalia diidmadii Dowlada Federaalka in Ciidamada Ethiopia ka mid noqdaan kuwa AUSSOM.

Khubarada u dhuun daloola Arrimahaan ayaa yaqiinsan in dhacdooyinkaan ay soo dedejin karaan inuu sii kordho Khilaafka u dhaxeeya Somalia & Ethiopia kuna aadan amaanka Degaanada qaarkood iyo gacan ku heyntooda, iyadoo Ciidamada Ethiopia ee ku howlgala Magaca ATMIS ay ku milmeen Siyaasada arrimaha gudaha ee Dalka isla markaasna lagu eedeeyay iney hub iyo rasaas sharci darro ah Dalka soo geliyaan si ay u hubeeyaan Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowlada Federaalka.

350820cookie-checkCiidamada Ethiopia ee Ku Sugan Gobolka Gedo oo Eedo loo Jeediyay & Sababta…