Dhalinyarada Ku Maqan Eritrea Iyo Mas’uuliyiinta Ku Lugta Leh

Somalia news

Xogo uruurin laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa soo bandhigay macluumaad dheeraad ah oo la xiriirta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Dalka Eritrea, kuwaasoo la sheegay in la dejiyay 3-xero oo Ciidamada Eritrea ku leeyihiin Dalkaasi…

Xuuraankaan ayaa xaqijiyay in 4-Mas’uul oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday (Farmaajo) iyo Agaasimaha NISA (Fahad) iyo Kuxigeenkiisa (C/hi Juu-Mareexaan) iyo Muwaadin magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Maxmed Xaaji Maxamuud, ay si gaar ah ugu lug lahaayeen abaabulka iyo qorsheynta Dhalinyarada loo qaaday Dalka Eritrea, waxaana la sheegay iney dhaqaalaha balanqaadeen Dowladda Qatar inkastoo markii dambe ay ka noqotay.

Mr.Cabdirisaaq ayaa ah Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada labada Dal, wuxuuna qabaa Gabar u dhalatay Dalka Eritrea, isagoo ka tirsan Saraakiisha Sirdoonka Eritrea, wuxuuna u xil saaran yahay Arrimaha la xiriira Dhalinyaradaan Ciidamada laga dhigay.

Tirada Dhalinyaradaan ayaa lagu sheegay 5-7 Kun, waxaana loogu tala galay in lagu caburiyo Shacbiga Magaalada Mogadishu iyo iney ka qeyb qaataan dib u qabashada Magaalooyinka Bu’aale iyo Kismaayo, iyagoo gacan ka helayaa Ciidamo isku dhaf ah oo Ethiopian iyo Eritrean ah, Nidaamka Qorista Ciidamadaan ayaa la sheegay in loo maray qaab Qabiil gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay ayaa si gaar ah loo xushay.

124510cookie-checkDhalinyarada Ku Maqan Eritrea Iyo Mas’uuliyiinta Ku Lugta Leh