Kenya oo soo Bandhigtay Heshiis dhanka Badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxeysa Somalia iyo Ethiopia..

Africa News Somalia news

Faahfaahib dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe ay Dowlada Kenya soo jeedisay in heshiis dhinaca Badda ah ay galaan Dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Ethiopia iyo Somalia ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Ethiopia inay saldhig ciidan ka sameysato badda degaanada Waqooyiga Dalka, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somalia…

Dalka Ethiopia oo ka mid ah tiro Dalal badan oo Qaarada ka tirsan kuwaasoo aan laheyn Bad ayaa 1-dii January heshiis aan sharciyad ku fadhin oo is-afgarad ah la gaartay Maamulka Somaliland, kaasoo ay ku sheegtay inay marin-badeed 20-KM ah kaga kiraynayso Ethiopia muddo 50 sano ah, halka Ethiopia ay Somailand u fidinayso aqoonsi, Is-afgaradkan ayaa keenay in Somalia ay si adag uga jawaabto.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi. “IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka Gobolka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, isla markaana madaxdooda laga codsaday inay ka wadahadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla, Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama kooxda Shabaabka ay u adeegsan jireen khilaafkaan inay Dowladda Federaalka ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Somalia.

320630cookie-checkKenya oo soo Bandhigtay Heshiis dhanka Badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxeysa Somalia iyo Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *